Man United ,PSG Iyo Real Madrid Oo Si Fudud Ku Heli Kara Dmitri Payet

Naadiga West Ham ayaa qarka u saaran in ay ku lumiyaan xiddigooda Dmitri Payet aduun lacageed gaaraya £15 million hadii ay kooxdiisa dib ugu noqoto heerka labaad ee dalka England sida ay werinayso majalada Times.

Slaven Bilic wiilashiisa ayaa u dagaalamaya in ay in ay sii joogaan horyaalka EPL ka maadaama ay hal dhibic oo quru ay u jiraan Aaga looga haro horyaalka kadib bandhig liita oo ay muujiyen xilli ciyaareedkan.

Payet ayaa doonaya islamarkaana tixgalinaya in uu iskaga tago kooxdiisa mar hadii ay ku jirto qaabkan aan loo riyaaqin, taas oo ku hogaamin karta in uu lacag raqiis ah kaga tago magaalada London kooxda ka dhisan.

Faransiiska xiddigooda heerka caalami ayaa dhanka kale waxaa doonaya adeegiisa kooxaha ay kamid yihiin PSG Manchester United Iyo Real Madrid oo dhankooda wadda heegan gali doona mar hadii uu xaalka sidan kusoo biya shubanayo.