Kulbiyow-RisaalaFM- Xaalada Degaanka Kulbiyow ayaa saakay waxa ay tahay mid degan, kadib markii shalay Dagaalyanahada Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degaankaasi.
Ciidanka Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay saakay Howlgallo ka wadaan Degaanka Kulbiyow, maadaama laga cabsi qabo in mar kale ay Shabaab weerar soo qaadaan.
Wasaarada Arrimaha Difaaca Dalka Kenya ayaa sheegtay weerarkaasi in ay kaga geeryoodeen 9 Askartooda ah, halka 15 kalena ay kaga dhaawacmeen, iyadoo ku goodisay in weerarkaasi ay ku dishay 70 Shabaab ka tirsan.
Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen Ciidammada dalka Kenya oo ay ka dileen 57 Askari.
Ilaa iyo hada ma jiraan ila wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray Labada dhinac, marka laga soo tago sheegashadooda bara bagaandada ah.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay Dagaalkaasi in ay ku geeryoodeen 5 ruux oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Degaankaasi Maxamed Tooxyare Nuux.


