Muqdisho-RisaalaFM- Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa caawa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir gaar ahaan gaar ahaan Waaxda Horseed laanta Iskaashi waxa ay ku dileen General ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka.
Generalka ayaa waxaa lagu hor dilay gurigiisa hortiisa, kadib markii uu ka soo baxay Salaada Cishaha oo uu ku soo tukaday Masjidka Al-iimaan oo aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, kadibna dabelydii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aanay halkaasi soo gaarin Ciidanka Dowladda.
Generalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray General Cabdulle Qururux, kaasi oo la sheegay in uu horey u soo noqday Taliye ku xigeenkii Saadka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Warkan Idaacadda Risaala waxaa u xaqiijiyay Xogahaya degmada Waaberi Maxamuud, wuxuuna sheegay Qururux in lala dilay Askari ilaalo ahaa, kaasi oo xilligii la soo weerarayay la joogay.
Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen Meydka Marxuumka la dilay, waxaana loo qaaday xarunta Dambi baarista ee CID-da, si baaritaano loogu sameeyo.
Ciidamada ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanada la xiriira dilkan, waxaana maamulka degmada Waaberi ay sheegeen in Ciidamada ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay dilka General Qururux.



