Muqdisho-RisaalaFM- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shir deg deg ah xalay waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Shirkan oo bilowday fiidnimadii xalay ayaa socday muddo ka badan labo saacadood, waxaana uu ahaa mid albaabada uu u xirnaaa.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shir guddoominayay kulanka, waxaaana goobjoog ahaa inta badan Wasiirada.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha looga hadlay shirkan, balse ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xiisada siyaasadeed ee Galmudug, iyo xaalada dalka.
Dood dheer ka dib, ayaa la sheegay in Ra’iisal Wasaare Ku xigeenku uu soo xiray kulanka, sababo ku aadan golaha oo laba garab u kala qaybsamay, mana jirin cid Warbaahinta uga warantay wixii looga hadlay kulanka.
Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho oo bilowgii hore ee shirkan looga yeeray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, ayaa intii uu socday shirka lagu wargeliyay inay dib isaga laabtan.
Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa isku khilaafsan go’aanka dhex dhexaadnimada ee dowladdu ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyadoo maamul goboleedyada ay la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.