Boosaaso-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar dhabagal ahaa oo Ciidamada maamulka Puntland gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa degaanada Galgala iyo Sugure ayaa waxaa fuliyay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab, kaasi oo dadka degaanka ay sheegeen in uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Ciidamada maamulka Puntland ee Qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay wateen gaari nuuca dagaalka ah, kaasi oo ka soo ambabaxay degaanka Galgala, wuxuuna ku nasii jeeday dhanka magaalada Boosaaso.
Shabaabka war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarkan in ay ku dileen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland, sidoo kalena ay ku dhaawaceen Shan kale.
Ururka Al-shabaab warkooda waxay kaloo ku sheegeen Askarta ay dileen in uu ka mid ahaa Sarkaal ka tirsan Puntland, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abshir Dheere.
Maamulka Puntland ayaa weli waxa uusan ka hadlin weerarkan Shabaabka ay sheegeen in ay la beegsadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, ayna ku dileen Askar ka tirsan maamulka Puntland.



