WAR DEG DEG AH:- Dil caawa ka dhacay Dharkeynley

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ee NISA.

Dilkan oo ka dhacay Xaafada Macalin Nuur ee Degmada Dharkeynley ayaa waxaa fuliyay kooxo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib goobta ka baxsaday.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Askariga la dilay magaciisa in uu ahaa Feysal Garasow, waxaana dilka kadib goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo goobta ka qaaday Askariga la dilay, iyaga oo wada Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Askarta iyo Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasi oo intooda badan dilalkooda ay sheegtaan Shabaab.