Arsenal ayaa qarka u saaran iney tababaraheeda xiga u magacowdo Mikel Arteta, kaas oo dhawr sanado kusoo qaatay Emirates Stadium, balse walaalka Aubameyang ayaa jawaab muran badan dhalisay ka dhiibtay qoraal lagu sheegay in halyeeyga reer Spain uu ku dhaw yahay shaqada Gunners.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Ingiriiska, Mikel Arteta oo caawiye u ah Pep Guardiola ayaa ogolaaday heshiis saddex sano iyo bar ah oo ay usoo bandhigtay kooxda ka dhisan waqooyiga London.
Waxaa la rajeynayaa in dhamaadka isbuucaan lagu dhawaaqo Mikel Arteta inuu yahay macalinka rasmiga ah ee Arsenal, waxaana la fahamsan yahay inuu kursiga soo fariisan doono kulanka Everton.
Qof walba oo ka tirsan maamulka Gunners, wuxuu ku qanacsan yahay in Mikel Arteta uu kala duwanaasho sameyn karo, balse Willy oo ah walaalka Aubameyang ayaa muran ka keenay dooqa kooxda uu walaalkiis ka tirsan yahay.
Bogga taageerayaasha Arsenal ee Instagram-ka ayaa lagu soo qoray qoraalkaan: “Mikel Arteta ayaa ku dhaw inuu noqdo macalinka Arsenal ka hor sabtida”
Wuxuu ku jawaabay: “Ljungberg iyo Arteta waa isku mid, wax khibrad ah ma lahan”
Willy wuxuu ka walaacsan yahay in ciyaartoyda waaweyn ee Arsenal ay dhibaato weyn kala kulmi karaan Arteta oo la fahamsan yahay inuu isku dayi doono xakameynta qolka labiska.
Waxaa la filayaa in Arteta uu ciyaartoyda waaweyn si adag ula macaamilo, si uu xasilooni uga abuuro qolka labiska oo tan iyo Unai Emery aan saldhig weyn yeelan.



