Wafdiga Midowga Africa oo Maanta billaabaya qorshaha ay u yimideen Muqdisho

Shalay Magalada Muqdisho soo gaaray  wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki, iyaga oo kulamo la qaatay Mdaxweyne Farmaajo iyo madax kale.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa inay guda galaan qorshaha ay u yimideen Magalada Caasimadda ah ee muqdisho kaas oo ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed

Xubnahaan ayaa waxaa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM, iyaga oo kala hadli doona baaritaankooda ku saabsan amniga iyo dhaqaalaha dalka.

Wafdigaan ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa horay u tegay dalka Kenya, iyaga oo la soo kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya.