Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo u duulay Magaalada Garoowe

Wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow ka Duulay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho iyagoo ku sii Jeeda Magaaladda Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wefdigan oo xildhibaano iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya ka Mid ah ayaa Mudooyinkan Ku Xayirnaa Magaaladda Muqdisho ka dib Amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxtooyadda Magaaladda Garowe.

Wefdiga oo aad u Daneynayay inay ka Qeybgallaan Doorashadda Madaxweynaha Puntland ayay Maanta usuura gashay in ay Garoowe u Duulaan.