Wafdi qeyb galaya Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Wafdigaan uu hogaaminayey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan ee ay qeyb ka ahayeen wasiiradaha wasaaradaha qorshaynta’ maaliyada, beeraha, agaasimaha guud madaxtooyadda kgs iyo xubno kale ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ujeedka wafdiga uu u soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa ah ka qeyb galka shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya oo sanadkan ay marti gelineyso dowlada federaalka Soomaaliya laguna casuumay 40 dowladood oo ka qeybgali doona shirka maalmo ka socon doono Muqdisho.

Shirka ayaa maalmaha uu socdo waxaa looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin amniga ,dhaqaalaha Siyaasada dib u dhiska dalka,kordhinta taagerada ay siiyaan dowladaha saaxiibka la ah dowlada Soomaaliyeed iyo qodobo kale.