Xukuumadda Suudaan ayaa u yeertay safiirka Masar u fadhiyo dalkeeda kaddib markii magaalada Qaahira lagu xiray ardey u dhashay dalkaas.
Waliid Cabdiraxmaan oo u dhashay Suudaan ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Masar balse qoyskiisa waxay beeniyeen eedeymahaas.
Boqolaal qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ee magaalada Khartuum, waxay codsanayeen in Masar ay sii deyso ardeygaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay, Masar waxaa ka bilaawda dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cabdel Fataax Al Sisi.



