Kheyre oo ku baaqay in lala shaqeeyo maamulka Caasimada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xaflad ka dhacday Muqdisho ayaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ka dalbaday in uu dardargaliyo howlaha horumarinta Caasimadda.

Kheyre  ayaa sheegay in ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado adeegyada muhiimka ah ee Caasimadda.

Waxaa uu Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ka dalbaday in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si loogu guuleysto horumarinta Caasimadda.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in Shacabka Magaalada ay ku jiraan dhibaatooyin badan, islamarkaana uu wax badan ka qaban doono bilaha soo socda.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa laga sugaya ballanqaadii uu u sameeyay Shacabka Muqdisho, kaasoo ahaa in uu furi doono Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maristooda dhibaato badan lagu qabo.