Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Sheegaya in saaka ay halkaasi gaareen wafdi balaaran oo ka socda Qaramada Midoobey.
Wafiga Gaaray Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramaya in xarunta Madaxtooyada ay kulan kula leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.
Wafiga ayaa maamulka Jubbaland kala hadlaya xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabtay dalka Kenya ,gaar ahaan xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.
Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa soo gaaray Qaxooti aad u farabadan oo kasoo laabtay xeryaha Qaxootiga dalka Kenya.


