Hiiraan-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa goor dhow gaaray Wafdi uu hogaamniayo Ergayga urur gobolleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey, waxaana waqtigan soconaya kulamo uu la qaadanayo Waxgaradka Hiiraan.
Shirka labada dhinac oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaan la ogeyn wax yaabaha looga wadda – hadlayo, waxaana socdaalkan uu noqonaya kii saddexaad oo wafdi ka socda Ururka IGAD ku tagaan magaalada Beledweyne.
Gaar ahaan safarka Danjiraha ee maanta ayaa imaanaya wax ka yar todobaad kulan ku soo dhamaaday natiijo la’aan oo magaalada Beledweyne ku dhaxmaray duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdi isugu jiray IGAD iyo Itoobiya.
Inkastoo ilaa iyo hada aan faah faahin rasmi ah laga helin gunta wada hadalada wafdiga iyo Waxgaradka, hase ahaatee waxaa muuqata in wali uu taagan yahay khilaafka qorshaha dhismaha maamulka labada gobol.
Ugu dambeyn Kulankii u dambeeyay ee ka dhacay Beledweyne ayay xubnaha urur gobolleedka IGAD ku wargaliyeen duubabka dhaqanka wixii go’aamo ah ee ka soo baxa bulshada reer Hiiraan in hawada ay u soo mariyaan beesha caalamka.


