Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka Carabta

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim,Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta is-cusbooneysiisa Eng. Cumar Shuuriye iyo siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Abu,Dubai, waxay ka qaybgaleen Shirweynaha Sannadlaha ee Hay’adda Tamarta Is-cusbooneysiisa oo xarrunteedu ku taalo Magaalada Caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya isagoo jooga Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in shirkaasi muhiimad gaar ah uu u lahaa Soomaaliya,ayna ka faa’ideysandoonaan waxyabo badan oo dhinaca Tamarta laxiriira.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay wafuud gaaraysa ilaa 1,500 oo ka kala socotay 16o dowladood oo Soomaaliya ay kujirto,Hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo Ururada bulshooyinka wadamadaasi,kuwaasi oo ejeedkoodi ahaa sidii ay diiradda u saari lahaayeen arrimaha laxiriira horumar laga sameeyo tamarta Caalamka.

Mudadii labada maalmood ahayd oo uu shirkaasi socday waxyaabaha la isla gorfeeyay waxaa kamid ah in loo baahanyahay xoojinta iskaashi iyo wadashaqeyn dowladaha xubinta ka ah Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Is-cusbooneysiisa sidii loo joog tayn lahaa horumarinka ka faaideysiga khayraadka Tamarta,la isna dhaafsado qibradaha iyo aqoonta dhinaca Tamarka ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Inta ay joogaan magaalada Abu,Dubai waxay la kulmi doonaan madax kala duwan sida Agaasimaha Hay’adda Tamarta Caalamka(IRENA) iyagoo kala hadli doona sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa Soomaaliya.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan uga jirtaa sidii Bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada Tamarta iyo Biyaha ee Dalka,waxaana jira qorshayaal mashaariic looga fulinayo Soomaaliya,iyadoo la kaashanayo hay’adaha Dowladda Soomaaliya ka taageera arrimahaasi.