Wafdi ka socda Dawlada Federaalka oo gaaray degmada Baardheere

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo mas’uuliyin ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo si ay ugu kuur galaan musibadii ka dhalatay daadadkii ku soo rogmaday degmadaas.

Degmada Baardheere ayaawaxaa  maalmo ka hor ka da’ay Roobab khasaaare nafeed , Hantiyeed  iyo barakac geystay  waxaana daadad ka dhashay roobkii koowaad ku dhintay dad gaaraya 9 ruux oo isugu jiray caruur ‘ dhalinyaro iyo dad da’ahaa halkaas sidii kale saacadihii la soo dhaafay roobabkii ka da’ay ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay ilaa 14 qof waxaana tirade guud dadkii ku dhintay Roobabkaas ay kor u dhaafayaan ilaa 20  Ruux.

Hase’  ahaatee’  Guddoomiyhaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka socdaalka uu ku tagay degmada Baaredheere  waxaa  ku wehliya wasiir ku xigeenka waxbarashada dowladda  Xukuumadda Soomaaliya  Axmed Cismaan iyo Senetor Cadullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana hay’adda mareynta degmadaas geysay degmada Baardheere laba diyaarad oo wada shixnad gargaar iskugu jira raashin, dhar iyo Dawo.