Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug waxaa goor dhow gaaray wafdi uu hogaaminyao Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey).
Wafdigan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Ujeedka wafdigan ay u gaareen Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay kulamo u la qaadan lahayeen Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Gudiga Doorashooyinka Heer Maamul Goboleed, waxaana ay ka wada hadli doonaan qaabka ay Magaalada Cadaado uga socdaan Doorashoyinka Aqalka Hoose.


