Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo xiran

Waxaa maanta xiran wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale degmada Afgooye sababo la xariira Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqon doona degaano ku yaalla Shabeelaha Hoose.

Gawaaridii ka dhex shaqeyn jirtay Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta hakad ku jira.

Qaar ka mid ah darawalada Gawaarida ayaa walaac ka muujiyay Xirnaashaha Wadada isku xirta Muqdisho Afgooye , maadaam Saakay Aroortii hore ay kusoo baraarugeen Ciidamo badan oo wadooyinka dhooban.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa in uu tago degaano badan oo ku yaalla Shabeelaha Hoose , halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya.