Wada-hadalladii Raheem Sterling iyo Man City oo istaagay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wadahaladii heshiis kordhinta ee u dhexeeyay xiddiga Raheem Sterling iyo Man City ay istaageen,sida lagu daabacay wakaaladaha ka faalooda Ciyaaraha.

Xiddiga reer England ayaa ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola xilli ciyaareedkii hore xilli heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono xagaaga 2023.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah taageerayaasha Ciyaaryahan Raheem Sterling  iyo Kooxda Man City ay aad u caroodeen, isla markaana ay doonayaan in Ciyaarayahanka uu kusii sugnaado Kooxda.