Wabiga Shabeelle oo fataahaado horleh sameeyey

Daadad ayaa ku fatahay xaafado badan oo ka mid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay inay kasii dareysay maalmihii la soo dhaafay xaalada fatahaahada.

Ilaa 200 oo qoys oo deganaa hareeraha webiga Shabeelle ayaa lagu warramayaa inay guryahooda ka barakaceen, iyaga oo aaday tuulooyin hoostaga Afgooye si ay uga badbaadaan fatahaada.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay inay ka digayaan in halis caafimaad ay kasoo socoto fatahaaddan maadaama cuduro ay ka dhashaan biyahaa fataahada ee xaafadaha gala.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda fatahaadaha degmada Afgooye oo ay dad badan ka barakaceen.