Bakool-RisaalaFM- Maxamed Khayr Salaad Guddoomiyaha degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada ay ku nool yihiin dadka degmadaasi iyo kuwii kale ee ka soo barakacay Tuulooyinka ku dhow halkaasi.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay kooxda Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool degmadaasi, maadaama weli Shabaabka ay gacanta ku hayaan maamulka degmada.
Wuxuu sheegay Maxamed Khayr Salaad Guddoomiyaha degmada Rabdhuure in ay wadaan qorshe ku aadan sidii Al-shabaab looga saari lahaa degmadaasi oo ay gacanta ku hayaan mudo ku dhow Sanad iyo bar.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab waxa ay ka wadaan degaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, Baydhabo


