Waa Sidee Xaalada Degaanka Raaskamboobni ee gobolka Jubada Hoose?

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inay la wareegeen degaanka Raaskaambooni ee Degmada Badhaadhe, Gobolka J/Hoose, kadib dagaal culus oo halkaasi Ciidankeeda kula galeen  Ciidamada dowladda Federaalka ee halkaasi la geeyay.
Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in guud ahaan lasoo afjaray Ciidamadii Dowladda Xasan Sheekh ee ku sugnaa Raaskaambooni, haddana ay si buuxda degaankaasi iyo nawaaxigiisa gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland.
Xaaladda dagaalka rogaal celiska ah ee shalay Galab dhacay ayaa faahfaahintiisa hadda soo baxeysaa, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka qeybo ka mida ka gudbeen xadka Kenya.
Dhinaca kale waxaa degan xaalada Degaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose ka dib dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac halkaas ka dhacay oo u dhexeeyay Ciidamada Dawlada iyo kuwa Jubland.