Waa Kuma R/wasaare ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya?

Mudane Avv Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waa Aabe leh xaas iyo 7 caruur ah. Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1973, waxbarashadiisii hoose, dhexe, iyo Sare waxa uu ku soo qaatay magaalada Hargeysa.

Mudane Khadar waxa uu ku taqasusay sharciga oo uu ka haysto shahaadadda sare ee Masterka (LLM) taas oo uu ka qaatay Jaamacadda Aberdeen, Scotland, ee cariga Ingiriiska, waxa uu shahaadadda 1aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Ethiopian Civil Service University ee dalka Ethiopia isaga oo ku guuleystay biladda dahabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Ku-Xigeenka magacaaaban waxa uu muddo gaareysa 7 sano la soo shaqeeyay barnaamijka horumarinta ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa hay’deeda UNDP isaga oo ka shaqeeyay mashaaricda Maamul-wanaaga (Good governance) iyo ku dhaqanka qaanuunka (Rule of Law and Security program), waxa uu sanadaihii 2002-2004 ahaa madaxii ugu horeyay ee kuliyadda qaanuunka ee Jaamacadda Hargeysa, waxa uu la taliye sharci u ahaa guddiga doorashooyinka Somaliland islamarkaana masuul ka noqday diyaarinta iyo dib u eegista xeerarka dorashooyinka iyo nidaamga Xisbiyada isaga oo sidoo kale noqday xubin kamid gudigga. Avv Khadar waxa uu ahaa gudoomiye ku-xigeenka gidigga dib u eegista shuruucda ee Somaliland, sidoo kale waxa uu la taliye dhanka sharciga u noqday Wasaaradaha Cadaaladda, Ganacsiga, Tamarta iyo Batroolka ee Somaliland.

Hay’adaha Caalamiga ah ee Mudane Khadar uu ka soo shaqeeyay waxaa kamid ahayd Interpeace oo in muddo ah uu kala shaqeeyay arrimaha sharciga, maamulka doorashooyinka, iyo nabadeynta.

Xigasho Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed Ee SONNA