Daafaca Southampton Virgil van Dijk ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo ku biirista kooxda Liverpool ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Liverpool ayaa ku dhawaatay heshiiska daafaca dhexe ee Dutch-ka horaantii xagaagan ka hor inta aysan kansalin kooxdiisa Southampton .
Saints ayaa waqtigaas ku eedeysay kooxda Liverpool in ay si sharci darro ah ula heshiisay ciyaaryahanka daafac dhaxe ka ciyaara.
Si kastaba ha ahaatee, Van Dijk ayaa weli diyaar u ah inuu u dhaqaaqo garoonka Anfield, waxaana hadda laga saaray xulka kooxda ee safarka ka horeeya xilli ciyaareedka ku jooga dalka France.
Sky Sports News ayaa sheegay in ilo ku dhow dhow ciyaaryahanka uu u sheegay inuu u dhaqaaqayo Liverpool ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
kooxda Liverpool ayaa hore heshiiska shaqsiga ah ula gaartay daafacaan heerka caalami ee dalka Holland.



