Baaritaan ayaa ka socda dalka Venezuela ka dib markii ay baxsadeen toban nin oo hubaysa, ka dib markii ay weerar ku qaadeen saldhig milatari, sida uu sheegay madaxweyne Nicolás Maduro.
Weerarkan ka dhacay magaalada waqooyiga galbeed ku taalla ee Valencia waxaa ka qaybqaatay 20 ruux, madaxweynuhuna wuxuu sheegay in la dilay labo ka mid ah, mid kalena la dhaaway toddobo kalena la xidhay.
Mar sii horaysay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto la soo dhigay fiidyoow ay ka soo muuqdeen rag sheegaya in ay la dagaalamayaan “diktaatooriyad dad lays ah”.
Dhacdadaas ka sokow, xaaladda dalkaasi ayaa mid degan u muuqata.
War uu madaxweyne Maduro ka baahiyay telefeshinka qaranka ayuu ugu hambalyeeyay ciidammada “sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen” weerarkaas lagu soo qaaday saacadihii hore ee Axaddii, wuxuuna sheegay in ay kasbadeen xurmadiisa.
Madaxweynuhu wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay “mid argagixiso” oo ay ka dambeeyaan dad calooshood u shaqaysteyaal ah.



