Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qorshe ka dhan ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee muddada dheer ku jira xeryaha ku yaalla dalkaas.
Waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in ay qorsheyneyso gabi ahaan in ay xirto xeryaha qaxootiga.
Waxaana xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ku nool dad aad gaaraya Boqollaal kun oo qof, kuwaas oo ka soo kala jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo dalal kale.
Hadalka ka soo yeeray dowladda Kenya waxaa walaac badan ka muujiyay hey’adaha udooda arimaha Qaxootiga.
UNHCR ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay go’aanka kenya ee Qaxootiga laga saarayo dalkeeda, iyada oo ka digtay in arrintaasi ay ka dhalan karto dhibaato bani`aadamnimo oo soo wajahda dadka Qaxootiga ah.
Hey’ada UNHCR ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Qaxootiga Soomaaliya aysan ku lug laheyn amni darada ka jirta dalka Kenya.
Dhank kale Xoghayaha Arimaha Dibedda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka dawladda Kenya ay ku qaadatay inay ku xirto xeryaha Qaxootiga Kenya ayna ku kala dirtay hay’addii Qaxootiga, islamarkaana ay sida deg degga ah dib ugu celinayso Boqollaal Kun oo qof oo dalkeeda gabbaad ka dhiganaya.


