
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo dib u doorashadiisa ay waxba kama jiraan ka soo qaaday maxkamadda saree ee Kenya ayaa mar uu ka hadlayay suuqa Burma ee magaalada Nairobi waxaa uu guddomiyaha maxkmadda sare, David Maraga iyo garsooreyaasha maxkamad ku tilmaamay kuwa ”burcad ah”.
Uhuru ayaa markii lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda, balse uu ixtiraamayo, waxaana uu ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo.
Uhuru Kenyatta ayaa u muuqday qof ka careysan go’aanka maxkamadda sare, waxaana ku xigeenkiisa Willima Ruto uu sidoo kale sheegay in afar qof oo uu ula jeedo garsooreyaashii xukmiyay go’aanka aysan bedeli karin go’aanka maalyiin shacab ah.
Ruto ayaa intaa ku daray in markale ay diyaar u yihiin doorasho.
Sidoo kale Kipchumba Murkomen oo ah mudane katirsan aqalka sare ee Kenya oo isla goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in haddi mucaaradka NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ay dalbadaan in la kala diro guddiga doorashada, ay iyaguna meesha ka saari doonaan garsooreyaasha maxkmadda.


