Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxdii isbuucaan ugu fiicneyd kulamadii la ciyaaray wareega 16ka ee Champions League, lugtiisa hore, waxaa kooxda isbuuca ee Champions League hogaamineysa Real Madrid oo seddex ciyaaryahan ku leh, waxaana xusid mudan in kooxda Chelsea ay shaxda isbuuca ku leedahay labo ciyaaryahan inkastoo guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay kooxda PSG.
Dhanka goolka waxaa ku jira goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain Trapp kaasoo gacan ka geystay guushii ay kooxda Faransiiska ka gaareen kooxda reer London ee Chelsea. Dhanka daafaca waxaa ka dhex muuqda labo daafac oo kooxda Real Madrid ah, Marcelo oo garabka daafaca bidix saaran iyo Varane oo daafaca dhexe ku jira.
Waxaa booska daafaca dhexe kula wehliya Gary Cahill oo iska caabin badan muujiyay iyadoo ay Chelsea ka maqnaayeen Kourt Zouma iyo John Terry, waxaana afarta daafac ee danbe dhameystiray daafaca midig ee kooxda AS Roma Rudiger kaasoo qeyb ka ahaa dagaalkii ay Roma la gashay Real Madrid.
Dhanka khadka dhexe waxaa ku jira Draxler iyadoo xiddiga Wolfsburg uu labo gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisa 3-2 kaga badisay Gent, waxaa isna Wolfsburg shaxdaan ka soo galay weeraryahankooda Kruse kaasoo isna goolka seddexaad dhaliyay kulankaan. Kooxda Benfica ayaa iyadana labo xiddig ku leh shaxdaan xiddiga khadka dhexe ee Sanches kaasoo kooxaha Premier League lala xiriirinayay iyo weeraryahan Jonas kaasoo dhaliyay goolkii guusha ee ay uga badiyeen kooxda Zenit.
Willian oo ah kubadsameeyaha kooxda Chelsea ayaa dhameystiraya seddexda khadka dhexe, halka weerarka seddexda ah uu dhameystirayo weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo kaasoo ka danbeeyay guushii ay Real Madrid ka gaartay Roma ciyaartii ka dhacday Olimpico.
SHAXDA ISBUUCA EE CHAMPIONS LEAGUE:
Trapp; Marcelo, Raphael Varane, Tim Cahill, Rudiger; Juilan Draxler, Renato Sanches, Willian; Cristian Ronaldo, Jonas, Max Kruse.


