UAE oo Soomaaliland kala Hadashay Saldhig Milateri

In dhawayd waxa Magaalada Berbera ka socday dhaq-dhaqaaqyo caalami ah oo maalgashi, kuwaas oo diiradda lagu saarayay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

Hore waxaa Maamulka Soomaaliland heshiis maalgashi oo muddadiisu 30 sanno tahay ula gashay shirkadda DP-World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taas oo uu ansixiyay golaha baarlamaanka ee Soomaaliland.

Bishan horraanteedii waxa dawladda Imaaraadku waydiisatay Soomaaliland in saldhig milatari laga siiyo Magaalada Berbera, taas oo madba’ ahaan ay Soomaaliland aqbashay.