Maxamed Cabdullaahi Tuulax gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho oo isaga qudhiisa waxyeelo kasooo gaartay.
Waxa uu kamid ahaa dadkii ka ag dhawaa Tiiyaatarka Qaranka oo uu qaraxa koowaad ka dhacay,waxa uuna sheegay in illaah uu ka badbaadiyay balse ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen gaariga uu sarnaana uu burburay.
Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxaasi ayaa sheegay inuu caafimaad qabo balse askartii la socotay dhibaatada ugu badan ay soo gaartay.
“Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka. Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadahay waxaa ku geeriyooday 7 kamid ah askartii ila socotay iyo darawalkii ilaahay ha’unaxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda soomaaliyeed.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.
Halkaan hoose ka eeg gaariga uu saarnaa Gudoomiye Tuulax oo burbur xoogan uu soo gaaray.




