Turkiga ayaa ku dhawaaqay xannibaado uu saaray tobannaan ka mid ah badeecooyinkiisa oo loo dhoofin jiray Israa’iil, isaga oo kaga jawaabaya weerarada ay Israa’iil ay ku heyso Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Falastiin.
Badeecadaha uu Turkiga xanibaada saaray ayaa waxaa kamid , sibirka iyo shidaalka diyaaradaha, taasoo keentay in Israa’iil ay ku hanjabto tillaabooyin ganacsi oo aargoosi ah.
Tallaabadaan ay qaaday dowladda Turkiga ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dowladda Iiran dhankeeda ay Israa’iil ugu hanjabtay inay weerari doonto hadii aysan joojin weerarada.



