Wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa weeraray duqa magaaalada London waxyar uun ka dib markii uu weerar argagixiso ka dhacay caasimadda UK kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux.
Donald Trump Jr ayaa Twitterka soo dhigay maqaal uu sanadkii hore qoray Sadiq Khan kaas oo uu ku sheegay in taxadarka iyo feejignaantu ay noqotay qayb ka mid ah nolosha caasimadaha caalamka.
“Waad ila kaftamaysaa?!” ayuu soo qoray wiilka Trump, arrintaas ayaana isla markiiba dhalisay in lagu eedeeyo in uu si xun u adeegsanayo masiibada dhacday uuna si xun u fasirayo hadalka duqa magaalada.
Dad badan ayay dhibaato ka soo gaartay weerarka magaalada London.
Qofka weerarka gaystay ayaa gaari jiirsiiyay dad lugaynayay buundada Westminster, ka dibna toori ayuu si xun u galiyay askari booliis ah oo isku dayay in uu ka hor istaago in uu galo aqalka baarlamaaanka, intaaas ka dibna isna toogasho ayaa lagu dilay.
Labo saac ka dib ayuu wiilka Trump twitterka soo dhigay maqaalka Khan ee uu daabacay wargeyska Independent bishii Sebtember ee sanadkii 2016kii.


