Trump oo sheegay warbaahinta in aysan daacad aheyn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warbaahinta ku eedeeyay inaysan daacad ahayn ka dib markii ay ka warrameen in dad badan aysan ka qeybgalin munaasabaddii lagu dhaariyay.

Trump ayaa sheegay in 1.5 milyan oo qof ay ka qeybgaleen munaasabadda, balse cadeyn muusan bixin.

Donald Trump ayaa yiri “Waxay u muuqatay in qiyaastii 1.5 milyan oo qof ay joogeen goobta”, markii uu hadalka ka jeedinaayay Capitol Hill, Jimcihii.

Sidoo kale, afhayeenkiisa Aqalka Cad ayaa sheegay in “Taageerayaashii abad ugu badnaa ee munaasabad dhaarin ka qeybgala inay ahayd middii Trump”.

Labaduba ma aysan keenin cadeyn muujineysa in taageerayaal badan ay joogeen Capitol Hill.

Balse, Sawir ayaa muujiyay sida ay u kala duwan yihiin middii Obama ee 2009-kii iyo Tan Trump ee laba maalin ka hor. (Eeg sawirka kore)

Sawirka waxaa ka muuqdo in dad aad u badan ay joogeen meeshii Obama lagu dhaariyay, halka xilligii Trump goobta ay firaaqo u muuqato.