Toogasho ka dhacday magaalada Strasbourg

Booliiska Faransiiska ayaa baadi goob ugu jira nin habeenkii xalay ahaa rasaas ku furay meel u dhow suuq waxyaabaha ciidda masiixiga la xiriira lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Strasbourg.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4 qof, 11 kalena way ku dhaawacmeen.

Toddobo ka mid ah dadka uu dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in ay xaaladooda ay aad u liidato.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Fransiiska ayaa dhacadada ku tilmaamay xaalad amni darro ah waxa uuna dadka degaanka ugu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan.

Booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in ninkii weerarka geystay uu dhaawac soo gaaray mar ay booliiska rasaas is weydaarsadeen, ka hor intii uuna goobta ka baxsan.

Ninka weerarka geystay ayaa ku jiray liiska dad uu booliisku raadinayey oo ah kuwa xagjirka ah.

Booliiska ayaa sidoo kale ninka u raadinayey si uu su’aalo uga weydiiyo dhac la geystay.