Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi dil iyo dhaawac ka geysteen.
Koox hubeysan ayaa Bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ku dilay Saabir Axmed Cali oo ahaa xisaabiye Shirkad Ganacsi oo ku taalla Boosaaso.
Waxaa ay sidoo kale dhaawaceen labo nin oo ganacsato ah oo ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.
Kooxda dilka geysatay ayaa ku hubeysanaa Bastoolado, waxaana la sheegay toogasho ka dib in ay goobta ka baxsadeen.
Toogashaddaan ayaa timid xilli Magaalada Boosaaso lagu dhaawacay Garsoore Maxkamadeed, islamarkaana ay baxsadeen Kooxihii dhaawacay.
Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu baadigoobaayo Kooxihii dilka geystay.


