Tirinta codadka wareegga 2-aad oo bilaabatay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa hada bilaabatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama ay soo idlaatay codeynta wareegga Labaad ee Doorashada.

327 xildhibaan oo isugu jira Labada Gole ee Dowladda Federaalka ayaa dhiibtay codadkooda, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Guddoomiye Beyle ayaa u yeeray wakiilada Musharaxiinta u qabanaysa codadka ay heleen, si ay ugu tiriyaan.

Xoghayaha Baarlamaanka Mudane Buux ayaa furay sanaadiiqda codadka, waxaana bilaabatay tirinta codadka.

Hadii wareegan labaad lagu kala bixi waayo ayaa waxaa la aadi doonaa wareegga Saddexaad ee Doorashada, oo ah midka ugu dambeeya.