Muqdisho-RisaalaFM- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hoggaaminaya wareegga Saddexaad ee Doorashada Madaxweynaha, kadib markii uu ka dhibca badiyay Musharaxiintii uu la tartamayay.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa helay 184 cod, Xasan Sheekh Maxamuud 97 cod iyo Sharif Sheekh Axmed oo helay 46 cod, sida lagu ogaaday codeyn ay sameysay Risaala.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka haray tarkanka, maadaama uu noqday Musharaxa ugu dhibacaha yar wareeggii Saddexaad.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee Doorashada.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ayaa hada waxaa ka socda Dabaal degyo kala duwan, waxaana Ciidamada ay ridayaan Rasaas fara badan.


