Muqdsho-RisaalaFM- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami rabay wareegga Saddexaad ee Doorashada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta aan la guda gelin wareegga Saddexaad ee Doorashada, waxa uu soo hor istaagay xildhibaanada Baarlamaanka hortooda, isagoo sheegay in uu tanaasulay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.


