Inta la xaqiijiyey ilaa 18 Ruux ayaa geeriyootay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay Maqaayad ku taalla meel u dhow Hotelka Wehliye ee Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka ayaa Isbitaallada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana Kooxaha gurmadka deg deg ah ay sheegeen in xilli walba ay sii kordhin karto waxyeeladda.
Isbitaallada Muqdisho ee dhaawacyadda la geeyay ayaa warbaahinta u sheegay in dadka loo geenay ay isku jiraan kuwo qaba dhaawacyo Fudud iyo kuwo Culus intaba.
Gaariga ayaa la dhigay banaanka hore ee Maqaayada oo lagu magacaabo filsan sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen,waxana xilliga qaraxa uu dhacayey maqaayada ku jiray dad badan oo qaarkood ka cunteynayay,kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.
Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kaba bixin qaraxaas,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan mas’uuliyiinta tegay goobta uu qaraxa ka dhacay.



