In ka badan 30 qof ayaa lagu diley qalalaasaha sii kordhaya ee ka dhashay xarigga madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Dibadbaxayaasha oo ay isku dhaceen ciidamada amniga dhowr degmo oo Koonfur Afrika ah aya waxay bililiqeysteen xarumaha laga dukaameysto Talaadada maanta ah, iyada oo jahwareerka saboolnimada iyo sinnaan la’aantu ay u karkarka jabsadeen dalkaan muddo sannado ah.
Dhimashooyinka badankood ayaa waxay ka dhasheen markii dad aad u fara badan ay bililiqeysteen raashin, qalabka koronto, khamriga iyo dharka xarumaha tafaariiqda, ra’iisul wasaaraha gobolka KwaZulu-Natal Sihle Zikalala ayaa u sheegay saxaafadda Talaadada maanta ah.
‘Dhacdooyinkii shalay ayaa keenay murugo badan. Tirada dadka ku dhintey KwaZulu-Natal oo kali ah waxay mareysaa 26. Qaar badan oo ka mid ah ayaa u dhintey in lagu tunto intii lagu jirey isbuurasho iyada oo dadku dhacayeen alaab”ayey tiri Zikalala.
Rabshadaha ayaa ka dhashay xarigga madaxweynihii hore Jacob Zuma iyadoo taageerayaashiisa ay isugu soo baxeen waddooyinka isbuucii la soo dhaafay, laakiin xaaladdu waxay isu bedeshay cadho ka dhalatay saboolnimo joogto ah iyo sinnaan la’aan ka jirta Koonfur Afrika 27 sano ka dib dhammaadkii midab kala sooca.



