Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan Feysal Xaaji Aadan iyo labadiisa ku xigeen.
Shaqo joojintan ayaa la xiriirta khilaaf mudooyinkii dambe u dhaxeeyay maamulka degmada degmada Buula burde.
Madaxweynaha ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulka degmada ay xalin waayeen khilaafkii ka dhex taagnaa.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dhawaan loo magacaabi doono maamul cusub si loo sii waddo howlaha degmada.



