Wasiirka Wasaarada caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Xaaji oo faahfaahin ka bixyay khsaaraha Qaraxyadii Alshabaab ay ka geysteen Xeebta Liido ayaa sheegay in Isbitaalada magaalada Muqdisho la geeyay 247-qof, dadka xaaladahooda ay fududeyd ee guryahooda aaday ay yihiin 137-qof, sidoo kale dadka ay xaaladdoodu liidato ayuu wasiirku sheegay in ay yihiin 11-qof, halka kuwa bukaan jiifka ah ee isbitaalada wali ku jira ay yihiin 64-qof, iyadoona dhimashada ay gaartay 37-qof sida uu wasiirka caafimaadka Soomaaliya ku sheegay tirakoobkii u danbeeyay Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Xeebta Liido Alshabaab ay ka geysteen. Qaraxyadii ka dhacay Xeebta ayaa ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.



