Waxaa sii kordhay tirada askarta ka tirsan ciidamada Puntland ee ku geeriyootay qaraxyo shalay ka dhacay degaanka Af Urur ee Gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka gobolka Bari.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay dhimashada inay mareyso 10 ruux oo askar iyo dad shacab ah isugu jira, halka shalay tirada ay aheyd Shan ruux, balse dad dhaawacyo culus soo gaaray ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Carmo ee Gobolka Bari.
Dhaawacyada qaraxyadaasi ka dhashay, ayaa lagu soo waramayaa inay gaarayaan illaa 35 ruux oo askar iyo shacab isugu jira, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalada ku yaal Gobolka Bari, halkaasi oo Xaaladooda caafimaad askarta lagu daaweynaayo.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxyadan askarta lala eegtay ayaa waxa ay sheegeen inay dileen 35 Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, kadib qaraxyo ay la eegteen.
War markii labaad oo ay Al-Shabaab ay Qarxiyaan degaanka Afurur, Al-Shabaab ayaa horay degaankasi ku qaaday Weerar iyo Qaraxyo ay ku dhinteen Askar badan oo ka tirsan ciidamada Puntland.



