Tima jarashada Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo lagu qoslay

Tima jare caan ah ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay yihiin wax aad looga xumaado qaabka ay timaha u jartaan.

Xaqiiqdii, wareysi qaas ah oo uu dhawaan siiyay The Sportsman, Tima jarahaan lagu magcaabo Alsanawi wuxuu ka hadlay xiisaha timaha Ronaldo iyo Messi iyo qof walba sida uu ula yaaaban yahay.

Sida laga soo xigtay Alsanawi, wuxuu rumeysan yahay in caqabadaha haatan ee Ronaldo iyo Messi qabaan tima jarayaashda ay taahay shaqo ‘xumi macaamiishooda suuqa ah.

Waxa kale oo uu xusay in haddii isaga la siin lahaa fursad uu timaha ugu jaro inuu ku farxi lahaa islamarkaana uu wax badan ka bedeli lahaa.

Alsanawi ayaa qirtay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan sameeyo oo aan hagaajiyo timaha Messi iyo Ronaldo.

Alsanawi ayaa markaasi ka dib si buuxda kaga hadlay timaha labada xiddig ee waaweyn isagoo carabka ku adkeeyay inuusan ixtiraam la’aan uusan dooneyn inuu u muujiyo tima jaraha Ronaldo iyo Messi.”

“Qofkasta oo ay tagayaan, ma aqaano aniga ahaan. Ma ixtiraamdarreyno tima jarahooda laakiin inaan lahaadaan magacaas oo kale isla markaana aysan laheyn timo wanaagsan waa wax laga xumaado, ”Alsanawi ayaa intaas ku daray.