Xildhibaano wada Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Puntland siweyn looga hadal-hayaa mooshin la sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ay ka diyaarinayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah Golaha Wakiiladda Puntland ayaa Garoowe ka sheegay in uu ka digayo mooshinkaas,isla markaana uu ugu baaqayo inay joojiso xukuumadda Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la keensado Guddoomiye lagu adeegto,isla markaana fuliya danaha Xukuumadda Maamulka Puntland.

Bishii October ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Xubno katirsanaa Golaha Wakiiladda Puntland ay mooshin ka keeneen Gudodomiyihi Baarlamaanka Puntland ee xiligaas Siciid Xasan Shire,iyad aoo mooshinkaas lagu eedeynayay inay dabada ka riixeysay Xukuumadii Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

25-ka Bishan October ayaa la filayaa in uu furmo fadhiga Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana la wada sugayaa sida ay wax u dhacaan.