Thomas Muller Oo Laba Gool Dhaliyey Kulan Germany Ay Guul Ka Gaartay Norway

Ciyaaraha Isreeb reebka koobka aduunka ee 2018 ayaa la ciyaarayaa todobaadkaan waxaana xaley wada kulmay xulul badan , laakiin ciyaartii ugu xiisaha badneeyd waxaa ay dhexmartay xulalka Germany iyo Norway.

Bilowga Ciyaarta Germany ayaa waxaa ay ku bilowdeen qaab dar dar leh kadib markii ciyaarta ay maamulkeeda la wareegeen , waxaana durba ay heleen goolka koowaad daqiiqadii 16aad kadib markii uu shabaqa gaaray ciyaaryahan Thomas Mueller.

Bandhiga ay sameeynayeen wiilasha Low ayaa halkiisa kasii xilli Noway ay isku dayeen inay bar bareeyaan ciyaarta, laakiin waa laga diiday markii laga dhaliyey gool labaad.

Joshua Kimmich Ayaa Norway ka dhaliyey goolka labaad ka hor inta aan la aadin nasiinada ciyaarta waxaana goolka uu dhashay daqiiqadii 45aad, sidaas ayaan lagu aaday nasiinada.

Markii lasoo laabtay qeeybta 2aad ee kulanka waxaa Norway gool kale ka dhaliyey ciyaaryahan Thomas Muller oo sidaas laba gool kaga dhaliyey Norway.

Ugu dambeeyn Germany ayaa sidaa ku qaatay seddexda dhibcood, taasi oo ka dhigan inay yihiin wadanka daafacanaya koobkaan kadib markii ay Brazil wacdaro kusoo dhigeen laba sano ka hor.