Eric Bailly, ayaa ah mid ka mid ah xiddigaha xilli ciyaareedkaan ka cusub kooxda Manchester United, lakiin waxaa uu durbaba muujiyay awooda uu kula qabsaday kooxdiisa.
Daafacaan ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulamo muhiim ah oo ay kooxdiisa ciyaari doonto xili ciyaareedkaan, waxaana kujira kulanka Man United wajaheyso kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool.
Sababta uu ku seegayo kulamadaasi ayaa ah in uu kala qeyb galayo xulka Ivory Coast tartanka African Cup of Nations.
ninkaan oo £ 30million ugu fadhiya United waxa uu soo jiitay indhaha taageerayaasha tan iyo markii uu noqday saxiixii ugu horeyay Jose Mourinho uu keenay garoonka Old Trafford.
Tartanka ayaa bilaban doona January 14-keeda waxaana uu soo xirmi doonaa 5-tia February ee horaanta sanadkan soosocda, tasoo ka dhigan in muddo shan isbuuc ah uu ka maqnaado kooxdiisa daafacaan.


