Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya Danjire Michael Keating, ayaa qiray in Shabaab ay leeyihiin weli awood muuqata oo ku aadan sii wadista dagaalka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.
Danjire Michael Keating, waxa uu tilmaamay todobaadkii la soo dhaafay Shabaab in ay weerar ka geysteen Muqdisho oo ay ku qaadeen Hotel SYL.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay dad gaaraya 25 ruux oo shacab iyo ciidan isugu jiray, masuuliyiin Dowladda ka tirsana waxaa ka soo gaaray waxyeelo kala duwan.
“Al-shabaab wali waa ay xoogan yihiin , Oo waanu ognahay . waxaanu aragnay qaraxii u dambeeyay ee ay ka gaysteen hotel Muqdisho ku yaala isbuucii la soo dhaafay , Laakiin waxaan kuu sheegi karaa in wax walba oo looga hortagayo kooxdaasi weerarradda ay damacsan yihiin in la sameeyay lana sii wadi doono , iyadoo guddiga qaran ee amniga oo kaashanaya Ciidamadda Qaranka in ay ka hortagaan weeraradda nuucaas ah.” Ayuu yiri Michael Keating.
Hadalka Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo Somaliya la filaayo inay dhawaan ka dhacdo Doorasho.


