Goolhaayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa sheegay inuu ku laabandoono horyaalka wadanka Spain ee La Liga waxaana uu qabaa inuusan ku qanacsaneeyn joogista kooxda Chelsea.
Thibaut Courtois ayaa Chelsea kaga soo biiray kooxda Genk sanadii 2011 ,waxaana uu amaah ku aaday dhanka iyo naadiga Atletico Madrid waxaana uu halkaasi kusoo qaatay kooxda Atletico Madrid.
24-sano jirkaan ayaa bandhig wanaagsan sameeyey waayihiisa Spain,waxaana uu kadib la amray inuu kooxda kusoo laabto maadaama uu Atletico Madrid la qaaday Copa del Rey iyo La Liga.
Courtois ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Chelsea waxaana uu kooxdaas la qaaday Primer League xilli ciyaareedkiisa koowaad laakiin xilli ciyaareedkii labaad ayuu xidigaan soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan.
‘’Waxaan dareemayaa waqtigii Spain, ‘’ ayuu Courtos u sheegay Marca. ‘’Markii uu dhahay Macsalaamo, waxaa ay ii ahayd waqti aan wanaagsaneeyn, mana fududeeyn, waan ilmeeyey xilligaas.
‘’Atletico waa koox qooyseed, waxaan dareemayaa jaceeylkooda.
Xidigaan ayaa aad loo dhaceeyey bandhigii kulankii Liverpool kadib markii laga dhaliyey gool labaad oo caaqibad lahaa kaasi oo uu soo tuuray ciyaaryahan Henderson kulankii Liverpool iyo Chelsea.


