Warbixin kasoo baxday xafiiska nambar 10 ee looga arrimiyo dalka Britian ayaa lagu sheegay ka bixitaanka dalkaasi uu ka baxaayo Midowga Yurub in uu qaadan karo sanaddo hor leh oo aan lasiii saadaalin karin.
R/W Theresa May ayaa la sheegay in ay ka gaabinayso ka bixitaanka EU waxayse marar badan ku nuux nuuxsatay in sida ugu haboon uguna sahlan ay kaga bixi doonaan Wadamada ku midoobay urukaasi.
La taliyaha May ee arrimaha Midowga Yurub Oliver Robbins ayaa warbaahinta u sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaan dardar gelinta barnaamijka BREXIT oo ah qorshaha Britain ay kaga baxayso dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub.
“Waa muhiim in kaliya aanan ahmiyad siinin sidaan si deg deg ah kaga bixi laheyn ururkaasi ee waa in aan sidoo kale ahmiyad siinaa in ka bixitaanku uu ahaan mid dhibaatooyin dhaqaalle uunan naga soo gaarin” ayuu sheegay Mr Robbins.
Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi Mr Corbeyn ayaa May iyo maamulkeeda ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen dardar gelinta qorshaha BREXIT oo uu sheegay in ay dadka reer Britain u sheegtay in ay ahmiyad gaar ah siin doonto qorshahaasi.
Waxaa la fahansanyahay in May aynan sidii loo baahnaa wax ugu qaban qorshaha BREXIT waxaana xusid mudan in Reisulwasaarihii kaga horeeyey xafiiska Mr Cameroon in uu xilka u baneeyey sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka Britain ay isaga baxayso dalalka midowga Yurub.



